Deg Deg:Allex Dennis oo ku dhintay weerarkii xalay

War goordhow soo baxay ayaa sheegaya in uu geeriyooday lahaystihii Faransiiska Allex Dennis, kaasoo kujiray gacanta Al-shabaab tan iyo 2009.

Lahaystahaan ayaa geeriyooday kadib isku day guul dareeystay oo ay xalay sameeyeen Ciidamada Kumaansoodka Faransiiska oo weerar kuq aaday guri yaala degmada Buula-mareer.

“Faransiiska ma helin wixii ay doonayeen” sidaa waxaa wakaalada wararka AP  usheegay C/casiis Abuu Muscab, oo ah afhayeenka dhinaca howlgalada Al-shabaab, waxaana uu hadalkiisa sii raaciyay “Ciidamada faransiiska waxay ka tageen meydka Saaxiibkood Allex Dennis”.

Majiro ilaa iyo hadda wax faahfaahin ama war ah oo kasoo baxay dhinaca doowlada Faransiiska oo ku aadan dhacdadaan.

Yuusuf Idiris, oo kamid ah dadka deegaanka ayaa wakaalada wararka AP usheegay in dadka deegaanka ay saakay arkeen meydka qof cadaan ah oo dhulka yaal.

Goob joogayaal ayaa xaqiijiyay in weerarkaan ay qayb ka ahaayeen 4 Helicoptar.

“Lahaystaha ayaa geeriyooday intee ay socotay rasaasta, saaxiibadiisna way katageen, kadib markii ay ku guul dareeysteen furashadiisa” ayuu yiri Abuu Muscab.

Sarkaalkan geeriyooday islamarkaasna ka tirsanaa sirdoonka Faransiiska “Allex Dennis” ayaa waxaa la afduubtay bishii Augosto 2009, waxaana lala afduubtay saaxiibkiis waloow markii danbe madaxfurasho lagu soo daayay.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here