DEG DEG: Xildhibaano & Wariyeyaal Xabsiga loo taxaabay Hargeysa

breakingnews

Mooshin laga keenay Gudoomiyaha Wakiilada Soomaaliland C/raxmaan Ciro ayaa waxa uu sababay in rabshado ay dhacaan gudaha Halka uu kulanka maanta ka qabsoomi lahaa.

Waxa jira dhowr xildhibaan oo soo gudbiyey Mooshinkaasi waxaana jirta xildhibaano kale oo iyaguna kasoo horjeeda waxaana xildhibaano kasoo horjeestay mooshinka ay keentay in Xabsiga utaxaabaan ciidanka Soomaaliland.

Labada Xildhibaan ee la xiray ayaa kala ah Ibraahim Buubaa iyo Siciid Cilmi Rooble waxaana loo xiray inay saxaafada la hadli rabeen waxaana jirta wariyeyaal lala xiray.

Saxafiyiinta la xiray waxay kala yihiin,Maxamed Yuusuf,C/raxmaan Tariig,C/raxmaan Mowliid iyo C/raxmaan fantastic.

Wixii faah faahino intaan kabadan dib kala socda insha allah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here