Bayern Munich oo ku guuleeysatay Champion League Sawiro

Waxa goor dhow la soo gabagabeeyaya ciyaartii  caanka ah ee Wembley dalka Ingiriiska ka billaabaneysa ciyaarta ugu dambeesa tartanka kooxaha qaarada yurub ee Champions League.

Cayaaratan ayaa waxey ku dhamaatay Dortmund 1-2 Bayern Munich halkaas oo guushu ay ku raacday kooxda  Bayern Munich oo ku guuleysatay 2.

Waxaa goolasha  kooxda  Bayern Munich u dhaliyaya  goolka kowaad Mario Mandzukic  kan labaadna Arjen Robben halka kooxda  Dortmund  uu halka gool u dhali yaay  Ilkay Gundogan.

Ciyaarta waxa ay dhexmareysa labo koox oo ka socota dalka Jermalka kuwaasoo kala ah Beyern Munich iyo Borussia Dortmund.

Labadan koox waa kuwo uu ka dhexeeyo xifaaltan aad u weyn gaar ahaan marka loo eego dalkooda Jermalka.

Kooxda Beyern Munich waxa ay tartanka ku guuleestay afar jeer, sannadkii horre kooxda Chelsea ee dalka Ingiriiska ayaa rigoorooyin uga qaaday.

Sidoo kale sannadkii 2007-da kooxda Talyaaniga ee Inter Milan ayaa ka qaaday, dad badan waxa ay lee yihiin waxa ay u badan tahay in kooxda Beyern Munich ay ku guuleesan karto koobka Yurub.

Kooxda Borussia Dortmund hal jeer ayey koobkan kor u qaaday, wuxuu aha sannadkii 1997 , xilligaas waxaa ay ka adkaatay kooxda Juventus  oo 3 iyo 1 ku derdertay ,waxaa guushaas gacan ka siiyay maamulka kooxda Aston Villa Paul Lambe.

Warar kale ee laga soo wariyay ciyaartan waxaa ka mid ah in 100,000 oo taageero u ah labada koox ay ku sugan yihiin garoonka London, kuwaasoo diyaar u ah in ay goob joog ka noqdaan ciyaarta.

Si kastaba, Koobkan labo jeer ba waxaa laga dajin doonaa dalka Germalka, sababta waxa weeye labada koox waa kuwa Germalka ka dhisan.

Labadan koox waa kuwa awood ku leh dalkooda, waxaana ay ka soo badiyeen kooxaha Spain ee Real Madrid iyo Barcelona wareega seddaxaad ee tartanka kooxaha qaarada Yurub.

Ciyaartoyda labada dhinac u safan doonta : LINE-UPKA RASMIGA:

Borussia Dortmund: Weidenfeller – Piszczek, Subotic, Hummels, Schmelzer; Bender, Gündogan; – Blaszczykowski, Reus,Grosskreutz; – Lewandowski

Bayern Munich: Neuer – Lahm, Boateng, Dante, Alaba – Martinez, Schweinsteiger – Robben, Müller, Ribéry – Mandzukić.

Haddaba faah-faahinta iyo natiijada ay ku dhammaato ciyaarta kala soco Shabakadda Midnimo.com in sha allah.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here