Deg Deg: Wasiirka Arimaha Gudaha oo ka Dagay Magaalada Beladweyne

Wafdi uu hogaaminayo Wasiirka arimaha gudaha iyo amniag qaranka Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxa ay iminka gaareen Magaalada Beladweyne ee xarunta Gobalka Hiiraan.

Wasiirka ayaa hada wuxuu ku sugan yahay garoonka diyaaradaha ee Magaalada Beladweyne halkaasi oo ay kusoo dhaweeyeen masuuliyiinta maamulka Gobalka ee Dowladda Soomaaliya iyo saraakiil ka tirsan ciidamada jabuuti.

Inkastoo aan horay loo shaacin safarka wasiirka arimaha gudaha ayaan hadana waxaan la ogeyn waxa xilligan kusoo beegaya safarkiisa iyadoo Magaalada beladweyne ay ka dhacyeen dilal qorsheysan.

Waa booqashadii ugu horeysay ee Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka Xukuumadda Soomaaliya uu ku tago Magaalada Beladweyne ee Gobalka Hiiraan.

Inkastoo xalay ay dilal kala duwan ka dhace.en magaalada Beladweyne ayaan waxaa iminka la ogeyn sababta da dejisay safarka Wasiirka arimaha gudaha uu ku tagay Magaaladaasi.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here