DEG DEG: Wariyeyaal uxirnaa dawlada Somaliya oo Lasii Daayey

breakingnewsWarar goor dhaw nasoo gaaray ayaa waxay sheegayaan in dib xoriyadoodii uheleen wariyeyaasha kala ah Maxamed Salaad Cusmaan iyo Ibraahim Xaaji Yuusuf oo labaduba ushaqeynayey Idaacada Goob Joog ee magaalada Muqdisho.

Mid ka mid ah wariyeyaashaasi oo dib xoriyadiisa uhelay ayaa goor dhaweyd oo duhurnimadii ah usheegay idaacada BBC-da laanteeda Afka Soomaaliga in uu caafimaad qabo kuna sii socdo gurigiisa.

Maamulka Idaacada Goob Joog ayaa waxay inoo xaqiijiyeen in lasoo daayey labadii wariye ee ka xirnaa kadib markii ay sameeyeen dadaal badan oo saxafiyiintaasi meesha lagu hayey la sameeyeen.

Shalay ayaa waxa ciidanka Nabad Sugidu ay labada wariye ka xireen xilli ay war ka raadiyeen meel qarax uu ka dhacay Degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here