DEG DEG: Wariye C/xafiid Zaciimka oo Lagu Xiray Kismaayo

Ciidan katirsan Maamulka Kumeelgaarka ah ee Jubba ayaa saaka Hoteelkii uu deggenaa Magaalada Kismaayo Wariye C/xafiid C/samad Zaciimka oo katirsan Shaqaalaha Idaacada Goolfm ee Magaalada Muqdisho ayaa laga watay iyagoo kadibna Xabsi utaxaabay.

zaciimka

Wariye Zaciimka ayaa lasoo sheegayaa in lala xiray Macalin Cabdi Xaaq waxaana labadooduba ay dhawaan tageen Magaalada Kismaayo.

Waxay utageen Kismaayo sida la sheegay Wariyaha iyo C/Xaaq ka qeyb galka doorasho la filayey inay ka dhacdo magaaladaasi oo Gudiga Olombikada Sadex Gobol waa Jubbada Hoose,Jubada Dhexe & Gedo loo qaban rabay.

Weli wax war ah kama soo bixin Maamulka Jubba oo ay kaga hadlayaan Xariga ay maanta gelinkii hore ugu geysteen Magaalada Kismaayo Wariye Zaciimka iyo Macalin C/xaaq.

Faah faahino wixii kasoo kordho dib kala socda insha allah

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here