DEG DEG :Uhuru Kenyatta oo hoggaaminaya illaa hadda codadka doorashada Kenya

Wararka naga soo gaarayo degmooyinka dalka Kenya, ayaa sheegaya in doorashada dalka Kenya ee maanta halkaas ka dhacday natiijada illaa hadda uu ugu horreeyo Uhuru Kenyatta oo codadkii la tiray illaa iyo hadda ku hoggaaminaya 57%

Wariyaasha ku sugan goobaha codbixinta dalka Kenya gaar ahaan magaalada Nairobi ayaa iyana sheegay in ra’iisal wasaaraha dalka  Raila Odinga uu is kalee yahay illaa hada 38% .

Musharrax Uhuru ayaa magaalada Mandheree ee ku taalla soohdinta Soomaaliya  waxuu ka helay Uhuru 98%,  halka Raila uu helay 1.7% -.

Wariyaasha iyo guddiga doorashooyinka waxa ay lee yihiin waxey u ektahay saadaasha sida ay ku socoto in Uhuru Kenyatta noqon doono Madaxweynaha Dalka Kenya.

Si kastaba, goobaha doorashada ayaa caawa 7-dii la soo xiray, waxaana lagu soo waramayaa in meelaha qaar ay kadhaceen khalaaso sida magaalada xeebta ku taalla oo kal sii horeysay maanta lagu dilay ugu yaraan shan boolis ah, markii kooxo hubeysan ay weerrareen xarun ay ka socotay codbixinta doorashada.

Uhuru Kenyatta iyo ra’iisal wasaare  Raila Odinga,ayaa hadda hoggaaminaaya doorashada, in kastoo wali aan si rasmi ah loo shaacin cida guuleestay.

Dakda weynaha reer Kenya ayaa caawa indhaha iyo dhagaha ku yala TV-yada Idaacadaha maxaliga ee dalka.

Waa doorashadii ugu horreysay ee dalka Kenya ka dhacday tan iyo markii isbadal lagu sameeyay dastuurka dalka Kenya taasoo daba socotay markii khalalaaso xooggan ay ka dhacday Kenya.

2 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here