DEG DEG: Sargaal Turki ah oo ka shaqeynayey Villa Somaliya oo la Kaxeystay

breakingnewsCiidan Hubeysan oo loo maleynayo inay katirsan yihiin Sirdoonka Mareykanka ayaa ka kaxeystay Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya Saacado ka hor Muwaadin udhashay Dalka Turkiga kaas oo kusugnaa Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

Sargaalkaan Turkiga ah ayaa la sheegay in loo kaxeystay Dhinaca iyo Xerada ugu Weyn ciidanka AMISOM ku leeyihiin Somaliya ee Xalane,halkaasi oo su’aalo lagu weydiinayo.

Weli Safaarada Turkiga ay ku leedahay Magaalada Muqdisho ayaan ka hadlin Muwaadinkaan dalkeeda udhashay ee la kaxeystay,waxaana Sargaalkaasi Turkiga ah la sheegay inuu dawlada kala shaqeynayey dhinaca Dhismaha ah.

Warbaahinta qaar ayaa waxay sheegeen in sidoo kale C/kiriin Xuseen Guuleed oo ah La taliyaha Madaxweynaha Dalka kaasi oo looga yeeray Xerada Xalane si wax looga weydiiyo baa la yiri Shabaab oo isticmaalay gaari nuuca xabada karin markii ay dhawaan weerareen Xerada Xalane.

Wixii kasoo kordho wararkaan dib kala socda insha allah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here