Deg Deg RW Saaciid oo loo diiday in uu hortago barlamaanka

121113193033_somali_prime_minister_512x288_afp_nocredit

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa diiday in Ra’iisul Wasaaraha uu tago xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho si uu Ra’iisul Wasaaraha isaga difaaco eedeymaha loo jeedinayo, kadib cod gacan tag ah oo loo qaaday.

Xildhibaanada Baarlamaanka ee diiday inuu yimaado Ra’iisul Wasaaraha xarunta Golaha shacabka, ayaa waxa ay gaarayaan 141, Xildhibaan, halka 7-Xildhibaan ay ogolaadeen inuu yimaado Golaha shacabka, sideed Xildhibaana wey ka aamuseen halka 75-Xildhibaana aysanba codeyn.

Codeynta Xildhibaanada Kadib ayaa Guddoomiyaha Baarlamaanka wuxuu ku dhawaaqay in Ra’iisul Wasaaraha uusan imaaneyn Baarlamaanka Soomaaliya lana siiwadayo dooda ku aadan mooshinka, maadaama tirada diiday in Ra’iisul Wasaaraha uu yimaado baarlamaanka ay bateen.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa Guddoonka Baarlamaanka ka dalbaday inuu tago xarunta Golaha shacabka si uu isaga difaaco eedeymaha ay ujeedinayaan Xildhibaanada mooshinka ka keenay Ra’iisul Wasaaraha.

Dooda Xildhibaanada ayaa ah mid aad uxasaasi ah welina ka socota xarunta Golaha shacabka.

Wixii ka soo baxo kala soco bogga

 

1 COMMENT

  1. < Waa dardaaran tixdan.
    < Durdur ahoo ku socta.
    < Madaxda doowladeene.
    < Dar illaaheey bal uqaata.
    < Dabin baad ku jirtaane.

    < Dalkeena waa mid horay.
    < Dulmiga loogu deeqaye.
    < Dulmi jadiid waa maxay.
    < Doodiyo xukunka aay.
    < Doowlada ku wadaan.

    < Waa maxay dulmigaan.
    < Daartii xildhibaanadiyo.
    < Qaranka lagu daahayo.
    < Kala dareerida xuniyo.
    < Qaran dumiska dalbay.

    < Daxadar wanaagsaniyo.
    < Dulqaad beynu rabnaye.
    < Doowladyahay ogoow.
    < Dulmi jadiidkan ma aha.
    < Qarankaan dooranaye.

    < Haawlo daacad ah iyo.
    < Dariiq wadaniyad leh.
    < Dadka ku haga adinka.
    < Waxa aad damacdeen.
    < Doowladaa ka wacane.

    < Damiir hadaad leedihiin.
    < Dagdag bal uga noqda.
    < Mooshinadan daranoo.
    < Dadka idinka qasayoo.
    < Doowladii isku yaaciye.

    < Umadu weey daashayo.
    < Daryeel wanaagsaniyo.
    < Dabiib beey rabaanoo.
    < Loogu daro niyad sane.
    < Daawadooda bal keena.

    < Daganaan joogta ahiyo.
    < Dib udhis iney helaano.
    < Dalkoodu hormaro aye.
    < Dadkiinu wada rabaane.
    < Dulinimo ka dhawrsada.

    < Dastuurka wanaasaniyo.
    < Diinta ku dhaqa umado.
    < Ku daadihiy hidaha iyo.
    < Dhaqamada dalkeena.
    < Dunida aynu dhaafne.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here