DEG DEG : Real Madrid oo shaacisay Jose Mourinho in uu kooxda ka tagayo

Maamulka Kooxda Real Madrid ayaa hadda shir jaraa’id waxa ay ku soo gabagabeeyeen dhismaha kooxda ee ku yaalla caasimada Spain ee Madrid, halkaas oo ay ka dhisan tahay kooxda kaalinta labaad ku jirta horiyaalka dalka Spain.

Madaxweynaha kooxda Florentino Perez ayaa sheegay marka uu dhammaado xilli ciyaareedka hadda socda, in macalinka reer Portugal uu ka tagayo kooxda.

” Tababaraha kooxda waxaan aaminsanahay muddada uu nala joogay in uu qabtay wax aad u fiican. waxaan rabaa in aan u mahadceliyo shaqada adag ee uu qabtay Jose Mourinho 3 -sanno ee uu nala joogay. kooxda seddaxdaas sanno wuxuu gaarsiiyay heer fiican sidaas ayaan rajeen doonaa xittaa marka uu naga tago.” ayuu yiri  Perez.

Wararkii u dambeeyay ee caawa naga soo gaaray garoonka Santiago Bernabeu, waxa ay lee yihiin kooxda La Blancos -ka waxa ay durba xiriir la sameeyeen dhowr macalimiin, waxaana kuwaas ugu cad-cad tababaraha kooxda Paris Saint-Germain, Carlo Ancelotti.

Macalinka reer Portugal Jose Morinho ayaa la sheegay in uu ku sii jeedo dalka Ingiriiska iyo kooxda Chelsea, halkaasoo markii labaad uu ku laaban doono.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here