DEG DEG : Raali Galin war si qalad ah aan u sii deynay

Dhammaan maamulka iyo shaqaalaha Shabakadda Midnimo.com, waxa raaligalin ka bixinayaan war si qalad ah aan u helnay, kaasoo ahaa in madaxweynaha Soomaaliya uu amar ku bixiyay muddo 48-saac in ciidamada Kenya iyo kuwa Ethiopia ay uga baxaan dalka Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa ka raaligalineyaa akhristayaasha sharrafta leh ee ku xiran boggan, in uu warkan ahaa mid aan ka soo xiganay mid ka mid ah idaacadaha maxaliga ee ku yaalla caasimada Muqdisho, taasoo sheegtay in warkan laga soo xigtay xafiiska madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud Villa Somalia.

Shabakadda Midnimo, ayaa tan iyo markii uu soo baxay warkan waxa ay sameesay baaritaan xooggan, dabadeedna waxa ay ogaatay in uu warkan qoray bog ay horrey u lahayd dowladii ku-meel-gaarka ee uu hoggaamin jiray allaha ha u naxariisto madaxweynihii horre Cabdulaahi Yuusuf Axmed.

Webkan ayaa waxaa hadda gacanta ku haya dhallinyaro Soomaali, kuwaasoo ayaana soo qoray warkan sida aan ogaanay, waxaana looga gun lee yahay in khilaaf laga dhex abuuro dowladdaha deriska sida Kenya, Ethiopia iyo Somalia.

In shaa allah mardambe ma dhici doono warar aan sal iyo sugnaansho lahayn in aan sii deyno. 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com midnimo12@googlemail.com

4 COMMENTS

  1. Allah ka cabsada oo ceebtaad samayseen aqbala, cawisna weydiista Allah.
    Weli ma waxaad war ka soo xigataan Cabdullahi Yusuf oo dhintay?

  2. mahadsanidin bahda midnimo waxana umalenaya inay ahaayeen dad rabo dowlada inay qasaan waxaana rajenayaa inaad marka kake dib aad inoogu hubisaan warka aad so qoreysaan xata idaacadaha qaar malahan aqoon saxaafadeed waxaana jira kuwa iska furan waxay rabaan iska qoro aan turxaan bixin wana idinku kalsonahay hadad tihin midnimo magaca aad wadataan ayaa ah magac wayna kana turjumayo somali weyn inad isku keenteda ka sahqeysaan ayaan rajeynaya midnimo mahadsanidin dhamaantina

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here