Deg Deg: Qaraxyo kala Duwan oo ka Dhacay Degmada Jowhar

Wararka ka imaanaya Magaalada Jowhar ee xraunta Gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan inuu halkaasi ka dhacay qarax xoogan.

Wararka ayaa sheegayaa in qaraxa uu ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso taasi oo ka dhacady xaafada Horseed ee Degmada Jowhar ee xarunta Gobalka Shabeelaha Dhexe.

Qarxayda oo ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ayaan la ogeyn ilaa iyo iminka in lala eegtay ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Shacabka Degmada Jowhar ayaa wadnaha farta ku haya iyaga oo ka cabsanaya qaraxayda caynkaas ah oo saameyn ku yeesha.

Qaraxa labaad ayaa waxaa la sheegay inuu ka dhacay xaafada Hantiwadaag ee Degmada Jowhar kaasi oo isna aan la ogeyn khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay.

Qaraxa ka dhacay Xaafada Hantiwadaag ayaa la sheegay inuu ka dhacay Saldhiga Degmada Jowhar kaasi oo aan isna la ogeyn khasaaraha kasoo gaaray ciidanka Saldhiga ku sugan.

Saacado kooban ayeey Magaalada Jowhar ku sugan yihiin ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM waxaana durba laga maqlayaa Magaalada dhawaqa rasaas xoogan iyo qaraxyo.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here