Deg Deg: Qaraxyo goordhow laga maqlay Muqdisho

qaraxa-fiyooraha-8Qaraxyo is xig xigay, ayaa goordhow ka dhacay degmada Heliwaa ee G.banaadir, qaraxyada ayaa waxaa lala beegsaday laba gaari oo ay la socdeen Ciidamada Dowladda Somaliya. Warar madax banaan waxay sheegayaan in qaraxa 1-aad lala eegtay gaari Kaarib ahaa, oo nin Sarkaal ah uu la socday, iyadoo qaraxa kalana lala beegsaday gaari Cabdi Bille ahaa, oo daba socday.

Sarkaalkii la socday gaariga Kaaribka, ayaa waxaa la xaqiijiyay inuu ku geeriyooday qaraxaasi, si rasmi ah looma xaqiijin qaybta uu ka tirsan yahay, balse warar soo baxaaya waxay sheegayaan in Nabad Suggida uu ka tirsanaa.

Saddex kale oo kale oo la socotay gaarigii Cabdi Billaha ahaa, ayaa waxaa la xaqiijiyay in dhaawacyo kala duwan ka soo gaareen qaraxii labaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here