Warar dheeraad ah qaraxa Nairobi ka dhacay

2Booliska Kenya, ayaa xaqiijiyay dhimashada hal ruux iyo dhaawaca 6 qof, qaraxyo goordhow lala beegsaday 2 Bas oo ah kuwa dad weynaha.

Moses Ombati, oo ah ku xigeenka Taliyaha Booliska Nairobi, ayaa sheegay, in 2 Bas oo marayay wadada Thika la qarxiyay.

Qaraxyadan ayaa kusoo aadaya, kadib weeraro xalay ka dhacay magaalo Xeebeedka Mombasa, halkaasoo ay ku dhinteen ilaa 4 qof, kadib markii Bam Gacanta laga tuuro lala beegsaday Goob laga raaco Basaska.

Kenya ayaa horey ugu eedeysay weeraro kuwan lamid ah inay ka dambeeyeen kooxda Al-shabaab ee Al-qacidda xiriirka la leh ee ka dagaallanta Somaliya.

Weerarkii ugu xumaa eek a dhacay Kenya waxa uu ahaa kii lagu weeraray dhismaha ganacsiga ee westgate, kaasoo ay ku dhinteen ku dhowaad 70 qof, waxaana masuuliyadiisa sheegtay Al-shabaab.

Afar qof ayaa ku dhimatay qaraxyo kuwan lamid ah oo xalay ka dhacay magaalada xeebeedka Mombasa ee dalka Kenya, waxayna weeraradan imaanayaan bil kadib howlgalo ay dowladda sheegtay inay amniga ku xoojineyso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here