DEG DEG: Qarax Xoogan oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Breaking-News5

Warar goor dhaw kusoo dhacay Warqabadka Shabkada Midnim.com ayaa waxay sheegayaan in qarax Xoogan uu goor dhaweyd abaare 2:20 daqiiqo uu ka dhacay agagaarka Isgoyska Afarta Jardiino ee Magaalada Muqdisho.

Faah faahino hordhac ah ayaa waxay kasoo baxayaan qaraxa nuuca uu ahaa iyadoo dadka qaar ay sheegayaan in gaariga waxyaabo qarxa lagu rakibay halka wararka qaar ay sheegayaan in la isku miidaamiyey.

Qaraxa ayaa lala eegtay baa la leeyahay Sargaal katirsan Ciidanka Dawlada Soomaaliya waxaana la ogeyn khasaaraha gaaray sargaalka la beegsaday.

Warar Hordhac ah ayaa sheegaya in 6 qof ay ku dhinteen qaraxaasi oo shacab ahaa iyadoo mid ka mid ah dadka dhintay ay haweeney ahayd iyadoo dad kalena ay ku dhaawacmeen.

Wixii kasoo kordho qaraxaasi insha allah dib kala socda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here