DEG DEG: Qarax Xoogan oo Ka dhacay Magaalada Kismaayo

breakingnews

Warar goor dhaw naga soo gaaray Magaalada Kismaayo ayaa waxay sheegayaan in qarax Xoogan laga maqlay Gudaha Magaaladaasi.

Qaraxa ayaan weli la ogaan karin nuuca uu ahaa waxase dad deegaanka ah ay sheegeen in Miinada dhulka hoosteeda la geliyo uu ahaa oo lala eegtay goob ay kusugnaayeen ciidan katirsan Maamulka Jubba.

Qaraxa ayaa waxa la sheegayaa in dhimasho iyo dhaawac uu geystay inkastoo weli dadku aysan ogaan karin maadama xaaladu ay cakiran tahay.

Wariyeyaal kusugan Kismaayo oo aan la xiriirnay ayaa sheegaya in la maqlayo rasaas ka dhaceysa agagaarka meesha qaraxa uu ka dhacay waxaana la ogeyn xaalada sida ay noqon doonto.

Wixii faah faahino kasoo kordho qaraxaasi ka dhacay Kismaayo dib kala socda insha allah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here