Deg Deg: Qarax ka dhacay Jaamacada Horseed ee Muqdisho

qaraxa-fiyooraha-8Sida ay sheegayaan wararka aan ka helayno Xaafada Buulo Xuubeey ee Degmada Wadajir, qarax ayaa ka dhacay Jaamacada Horseed ee magaalada Muqdisho dhexdeeda.

Qaraxan ayaa wuxuu ahaa sida ay qaar kamid ah Ardayda inoo xaqiijiyeen mid ku xirnaa gaari noociisa uu yahay kaarib kaasi oo uu lahaa macalin kamid ah kuwa wax ka dhiga Jaamacada.

Gaariga kaaribta ayaa qarxay, waxaana ilaa hada lasoo sheegaya inuusan ka dhalan khasaaro badan, marka laga soo tago arday kamid ah ardayda oo ku dhaawacmay qaraxaasi.

Majirto khasaaro kale oo dhimasho iyo dhaawac oo qaraxaasi ka dhashay, marka laga reebo dhaawac ardaygaasi iyo khasaaraha gaariga soo gaaray.

Gaariga ayaa sida wararka sheegayaan waxaa iska leh macalin Jaamacada wax ka dhiga Dowladana ku jira, sidaasina loo bartilmaameedsaday.

Xigasho: Risaala

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here