Deg Deg: Qarax ka dhacay Hotel Jaziira

Breaking-News53-300x1682Wax yar kahor, ayaa dadka Reer Muqdisho, waxay ku baraarugeen Qarax weyn oo gil gilay qeybo kamid ah magaalada.

Qaraxan oo ahaa Baabuur laga soo buuxiyay, ayaa waxa la sheegay in la dhigay Dhabarka danbe ee Hotel Jaziira, kadibna uu halkaas ku qarxay.

Qaraxa waxaa loo adeegsaday Gaari Ismiidaamin ah, kaasi oo la dhigay Dhabarka danbe ee Hotel-ka.

Qaraxaan oo laga maqlay Magaalada oo dhan ayaan illaa hadda la ogeyn Khasaaraha ka dhashay, Xaalada ayaa ah mid kacsan oo Rasaas ayaa socota.

Faah faahinta waan idiin soo gudbin doonaa…

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here