DEG DEG : Qarax Ismiidaamin ah oo ka Dhacay Muqdisho

Qarax Mqdisho ka dhacay
Qarax Mqdisho ka dhacay

Warar goor dhaw kusoo dhacay Warqabadka Midnimo.com ayaa waxa kusoo dhacay in qarax Xoogan laga maqlay goor dhaw Meel ku dhaw Wadada Maka Al Mukarama ee Gobolka Banaadir.

Abaare 11:55 daqiiqo duhurnimadii ayaa waxa qarax Xoogiisa laga maqlay Xaafadaha Muqdisho qaarkood.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu ahaa ismiidaamin gaari loo adeegsaday waxaana qof kusugan Xaafada Leybeeriya uu ii sheegay in qaraxa uu agtooda ahaa.

Weli lama sheegi cida qaraxa lala beegsaday iyo khasaaraha ka dhashay intuba.

Muqdisho ayaa qaraxyada ismiidaaminta ah waxay ahaayeen maalmihii dambe kuwo ka dhacayey taasi oo khasaaraha ugu badan shacabka kasoo gaaraan.

NAGA FILO FAAH FAAHINO INTAAN KA BADAN INSHA ALLAH

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here