Deg Deg: Qarax goordhow kadhacay Xaafada Islii

War goordhow nasoo gaaray wadanka Kenya ayaa waxa uu sheegayaa, in laba qarax oo is xig xigay ay kadhaceen Xaafada Soomaalida Ku badantahay ee Islii, qaraxan ayaa sida lasheegayo ugu yaraan waxaa ku dhaawacmay ilaa laba qof.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in goobta uu qaraxa kadhacay durbaba ay soo gaareen Ciidamo aad ufara badan, kuwaasoo durbaba bilaabay baaritaano ku aadan dadkii ka danbeeyay qaraxyadaas, mana jirto war rasmi ah oo ilaa iyo hadda kasoo baxay dhibaatada iyo qasaaraha ka dhashay qaraxyadaas.

Saraakiisha Ciidamada booliska ayaa waxay sheegeen in ay baaritaano wadaan, sidokale Ciidamada ayaa xiray wadooyinka soo gala goobta uu qaraxa kadhacay.

Xaafada Islii, oo ah Xaafad ay aad ugu badanyihiin Soomaalida islamarkaasna ah xudunta ganacsiga Nairobi, ayaa bilihii ugu danbeeyay waxaa joogto kanoqday qaraxyada iyo dilalka qorsheesan oo loo gaysto masuuliyiinta doowlada Kenya, waxaana badanaa lagu eedeeyaa falalkaas Al-shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here