DEG DEG : Qarax goordhow ka dhacay Xerada Dhagaxleey

Wararka ka immaanaya xerada dhagaxleey ee gobalka waqooyi bari Kenya ayaa sheegaaya in qarax goordhow halkaas ka dhacay ay ku dhinteen illaa seddax qof halka 7 kalena ay ku dhaawacmeen.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu ka dhacay meel makhaaxi oo ku taalla xerada Dhagaxleey , waxana la sheegayaa in qaraxa uu ahaa Bomb la soo tuuray.

Qaraxa ayaa waxa uu dhacay 8-dii habeenimo ee caawa , waxana meesha uu ka dhacay ay ahayd meel dadka ay ku caweeyaan oo ku taalla xerada.

Dadka goobjoogayaasha waxa ay lee yihiin qaraxa waxa uu ahaa mid ka badallan kuwii halkaas ka dhici jiray.

Markii qaraxa dhacay waxa goobta soo gaaray ciidamada Bilayska oo halkaas isku gadaamay, waxana istaagay dhaqdhaqaaqii xerada oo dhan isla markaana bandow ayaa lagu soo rogay.

Qaraxa ka dhacaya xeryaha qoxootiga gobalka waqooyi bari Kenya ayaa soo noqnoqday, waxana inta badan dadka wax ku noqdo ay yihiin dad rayid ah.

Wixii ku soo kordha kala socora Shabakadda Midinimo

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here