DEG DEG: Qarax Ciidan AMISOM ah lagula Eegtay Magaalada Muqdisho

breakingnews

Warar goor dhaweyd oo duhurnimadii ah nasoo gaaray ayaa waxay sheegayaan in qarax laga maqlay Xaafada Suuqa Xoolaha Ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa lala eegtay Ciidan katirsan AMISOM waxaana qaraxa uu ahaa baa la yiri Miinada meelaha fog fog laga hago iyadoona la sheegayo in qaraxa kadib ciidanku ay rasaas fureen.

Qof ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegaya in dad shacab ah ay ku waxyeeloobeen qaraxaasi kuwaasi oo ka ak dhawaa goobta qaraxa uu ka dhacay waxaana sidoo kale la sheegayaa in ciidankii la qarxiyey ay waxyeelo soo gaartay.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in gaarigii qaraxa haleelay ay ciidanka AMISOM daqiiqado kadib ka jiiteen meesha waxaana ciidan katirsan Dawlada oo halkaasi gaaray baaritaano ka sameeyeen Meesha qaraxa uu ka dhacay inkastoo dad ay soo qab qabteen aan la sheegin.

Qaraxyada iyo dilalka ayaa maalmahan dambe kusii kordhayey Magaalada Muqdisho waxaana xaalada amni ay maalmahan noqotay mid faraha kasii baxeysa Xamar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here