Deg Deg Meydadka Afar Kamid ah Ciidamada Kenya oo Kismaayo la Geeyey

War hadda naga soo gaaray magaalada Kismaayo ayaa sheegaaya in maagalada goordhow oo maanta ah la keenay meydadka afar katirsan Ciidamada Kenya.

Guud ahaanba waxaa kacsan magaalada Kismaayo, waxaana waddooyinka magaalada lagu jiid jiidaayaa meydadka Ciidanka Kenya ee lagu dilay dagaalkii shalay galab ka dhacay deegaanada Janaay Cabdalla,Biibi iyo Miidaw ee gobolka Jubbada Hoose.

Goob joogayaal Kismaayo kusugan oo aan goordhowayd la xiriirnay ayaa inoo sheegay in dadkii magaalada ay isugu soo baxeen waddooyinka magaalada si ay u daawadaan meydadka Ciidamada Kenya ee lagu jiid jiidaayo waddooyinka Kimsaayo.

“Dadkii magaalada oo dhan waxay soo tubteen hareeraha waddooyinka, aniga waxaan arkay meydadka afar askari oo wata tuutaha Ciidamada Kenya, gaari kasoo qaaday goobta lagu dilay ayaa keenay waddada laamiga ee kasoo baxda xaafadda Somali Star ee magaalada Kismaayo”, ayuu yiri qof goobjooge ah

Ma jirto cid Al shabaab katirsan oo ka hadlay meydadka maanta lagu jiid jiidaayo waddooyinka magaalada Kismaayo ee shalay galab lagu soo dilay dagaalkii ka dhacay duleedka Kismaayo.

Dagaalkii shalay galab ka dhacay deegaanada Birta Dheer, Biibi iyo Miidaw oo ahaa kuwii ugu xooganaa oo ay ka qayb galeen diyaaradaha dagaalka Kenya ayaa waxaa ku geeriyooday in ku dhow 50-qof oo ka kala tirsan labada dhinac ee dagaalamay.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

Midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here