DEG DEG: Mas’uul katirsanaa Puntland oo la dilay//Faah faahin Hordhac ah

Breaking-News7-300x168Koox hubeysan ayaa waxay ku dileen Degmada Xarfo Sargaal katirsanaa Maamulka Degmadaasi iyadoo warar dheeraad ah ay kasoo baxayaan dilka iyo sida uu udhacay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dilka ay geysteen Askar katirsan ciidanka Puntland waxaana ay rasaas ku fureen Keydiyihii Lacagta Dawlada Hoose ee Degmada Xarfo Marxuum Cabdullaahi Yaasiin Maalin.

Dhaawac soo gaaray ayuuna Cabdullaahi Maalin ugu geeriyooday Cusbitaalka Degmada Gaalkacyo.

Gudoomiyaha Maamulka Degmada Xarfo Cabdiftaax Guruu ayaa sheegay inay wadaan baaritaan ku aadan sababta ka dambeysay in Askartaasi katirsanaa dawlada Hoose ee Degmada Xarfo udilaan Khasnajigii Lacagta ee Maamulkaasi.

Wixii kasoo kordho dilka Mas’uulkaasi dib kala socda insha allah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here