DEG DEG: Madaxweyne Xasan oo u duulay Dalka Jabuuti

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Kenya
Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa waxay maanta u dhoofeen Magaalada Jabuuti ee Caasimada Dalka Jabuuti.

Madaxweynaha ayaa waxa garoonka diyaaradaha Muqdisho kusii sagootiyey Xubno katirsan Dawlada Federaalak Soomaaliya.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa waxay sheegayaan in Magaalada Jabuuti kulan ku yeelan doonaan Madaxweynaha Somaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo.

Dhinaca kale Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Somaliland ayaa waxay u ambabaxeen maanta barqadii Dalka Jabuuti ee Caasimada Waddanka Jabuuti.

Wixii kasoo kordho wararkaasi dib kala socda insha allah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here