Deg Deg: Madaxweynaha oo goordhow Khudbad u jeedin doona Ciidamada la wareegay Ruunirgood

3214Wararka naga soo gaaraya shabeelaha Dhexe, ayaa sheegaya in Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Shiikh Maxamuud uu goordhow ku wajahanyahay deegaanka Ruunirgood oo ay ciidamada Milatariga dib uga qabsadeen Al-shabaab.

Madaxweynaha ayaa lagu wadaa inuu Khudbad u jeediyo Ciidamada milatariga ee halkaas ka sifeeyay haraadiga al-shabaab.

Al-shabaab ayaa maalmo kahor dib uga qabsatay ciidamada Milatariga deegaanka Ruunirgood, halkaasoo ay ku dileen in ka badan 30 kamid ah ciidamada Milatariga.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here