DEG DEG: Kunteenaro ay ka buuxaan Qamri oo lagu Qabtay Muqdisho

dekada-muqdisho

Wariye hadda kusugan Dekada Magaalada Muqdisho ayaa usheegay Shabkada Wararka Midnimo.com in halkaasi la iskugu yeeray bahda Saxaafada halkaasi oo sida la filayo lagu soo bandhigi doono Kunteero ay ka buuxeen Dhalooyin Qamri ah oo gacanta lagu dhigay.

Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Axmed Cali Daahir iyo Maamulka Dekada Muqdisho ayaa lagu wadaa inay saxaafada shir jaraa’id u qabtaan si ay arintaasi faah faahin uga bixiyaan.

Kunteenaradaan Qamriga ka buuxaan aayaa lagu waday in si qarsoodi ah loo soo geliyo Magaalada Muqdisho hase-ahaatee lagu guuleystay in ciidanka Amaanka Dekada Muqdisho ay gacanta ku dhigaan.

Muqdisho meelo ka mid ah ayaa lagu iibiyaa Qamriga haba ugu badnaatee hoteelada lagu tunto iyo baararka lagu caweeyo taasi oo dadka qaar ay ku sheegeen in nabad gelyo xumada ay qeyb kasii qaadaneyso hadii Qamrada lasii keeno Muqdisho.

WIXII KASOO KORDHO WARARKA AAN KA HELAYNO DEKADA MUQDISHO DIB KALA SOCDA INSHA ALLAH

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here