DEG DEG: Howlgal Hub uruurin ah oo ka socda hadda Muqdisho

breakingnews

Ciidanka Hay’ada Nabad Sugida Soomaaliya ayaa waxay Duhurnimadaan Howlgal hub uruurin ah ka wada Magaalada Muqdisho meelo ka mid ah.

Goob jooge kusugan Degmada Hodan gaar ahaan meel ku dhaw Isgoyska KM4 ayaa sheegay inuu arkayey ciidan katirsan Nabad Sugida uu arkayey iyagoo qoryaha kala wareegayey Askarta sida sharci darada ah hubka uwata ama aan wadan dareeska ciidanka.

Sidoo kale waxa jirta in ciidanka Nabad Sugida ee howlgalka wado lagu arkayo qeybo katirsan wadada Maka Al Mukarama iyagoo hub uruurin sameeynaya.

Ilaa hadda ma jirto wax war ah oo kasoo baxay Taliska Hay’ada Nabad Sugida oo ay arintaan uga hadlayaan.

Wixii faah fahino kasoo kordha dib kala socda insha allah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here