DEG DEG: Gudoomiyaha Cusub ee Deg.Jowhar oo soo gaaray Jowhar

Breaking-News53-300x168Wariyeyaal katirsan idaacada Asal oo kusugan Magaalada Jowhar ayaa usheegay Shabkada Wararka Midnimo.com in wafdi uu la socday Gudoomiyaha Cusub ee Degmada Jowhar Maxamed Cali Kalaay ay maanta duhurnimadii gaareen degmadaasi.

Aadan Xuseen Daa’uud ayaa waxa uu sheegayaa in wafdigaan ay saaka kasoo ambabaxeen Muqdisho saacadihii lasoo dhaafayna laga sugayey magaalada Jowhar,Sidoo kale dadka yimid Jowhar waxa ku jira Axmed Meyre Makaraan (Axmed Faal) Gudoomiye kuxigeenka Koowaad ee Gobolka Sh/Hoose.

Gudoomiye Kalaay Cali Muudeey ayaa waxa uu badeli doonaa Maxamed Amiin Cusmaan Caqiil oo ahaa gudoomiyihii Degmada Jowhar.

Sidoo kale waxa jiri doonta baa la yiri kulan ciyaaree

Faah faahino intaan ka badan dib kala socda insha allah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here