DEG DEG: Gaari Ku qarxay Magaalada Muqdisho//Faah faahin Hordhac ah

breakingnews

Qarax Xoogan ayaa Saaka Waaberigii waxa laga maqlay Agagaarka Fagaaraha Tarabuunka ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa ahaa Gaari Nuuca Spacio loo yaqaano ayaa dadka deegaanku ay sheegeen in mar keliya la maqlay gaariga oo qarxay.

Inkastoo ciidan katirsan Dawlada Soomaaliya ay buux dhaafiyeen meesha qaraxa uu ka dhacay ayaa hadana la ogeyn in gaariga qaraxa uu ku xirnaa iyo inuu ahaa mid ismiidaamin rabay.

Dadka kusugan Agagaarka Tarabuunka ayaa sheegaya in mid ka mid ah dadkii la socday Gaariga uu dhintay halka mid kalena uu dhaawac soo gaaray oo labada Lugood uu ka go’ay.

Qaraxaasi waxa sidoo kale ku dhintay baa la yiri qof shacab ah oo ka dhawaa meeshaasi.

Wixii faah faahin kasoo kordha qaraxaasi ka dhacay Saaka Muqdisho dib kala socda Insha allah 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here