DEG DEG diyaarad dagaal oo ku soo dhacday Buullo Mareer

Wararka naga soo gaaraya degmada Buulo-mareer ee gobolka Shabeellada Hoose, ayaa sheegaya in  halkaas ay maanta duhurkii ku soo dhacday diyaarad nooca basaaska.

Wararku wuxuu intaas ku daraya in diyaaradda oo ahayd nooca aan duuliyaha lahayn ay ku dhacday dhul howd ah oo ku yaalla Buula-mareer, waxaana goobta  ku sugan halkaas xoogag hubeysan oo Al-Shabaab ka tirsan.

Guddoomiyaha gobalka Shabellaha Hoose Cabduqaadir Siidii oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay in dowladda ay xaqiijinineyso diyaaradaha soo dhacday, wuxuuna intaas ku daray in goobta ay ku sugan yihiin Al-Shabaab.

Al-Shabaab war ay soo galisay barta Tweeter-ka waxa ay ku sheegtay in diyaarad dagaal oo ay lee yihiin wax ay ku sheegeen cadowga in ay ku soo dhacday degmada Buula-mareer, waxaana ay intaas ku dareen in mardhow ay soo bandhigi doonaan sawirrada diyaarada soo dhacday.

Ma jirto ilaa hadda khasaaro la sheegay in ay ka dhalatay diyaarada soo dhacday, waxaa kaloo aan la ogeyn cida iska leh diyaarada maanta ku soo dhacday degmada Buula-Mareer ee gobalka Shabeellaha Hoose.

Warar kale oo faah-faahsan goordhow naga filo in shaa allah

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here