Deg-Deg: “Dhaqdhaqaaqyo Ciidan oo Hadda ka Socda Degmda Jilib ee Jubbada”

Wararka saaka inaga soo gaaraya degmada Jilib ee gobbolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in ay ka soconayaan dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay wadaan Kooxda Al-shabaab oo halkaasi ka talisa.

Ciidamo fara badan oo huwan dareeska ciidanka iyo baabuurta gaashaaman ayaa wararku waxa ay sheegayaan in ay gaafwareegayaan wadooyinka waa weyn ee magaalada Jilib oo Alshabaab ay ka arriminayaan.

Goobjoogayaal klu sugan Jilib oo diiday in magacooda la shaaciyo sababo la xariiro dhinaca ammaanka ayaa waxaa ay midnimo.com u xaqiijiyeen in dhaqdhaqaaqyo ciidan Shabaabka ay wadaan degmada Jilib ee gobbolka Jubbada Hoose.

Dhinaca kale saraakiisha dowladda ee Jubbada Hoose oo aan wax ka weydiinay waxa ay kala socdaan dhaqdhaqaaqyada ciidan oo Alshabaab ay ka billaabeen degmada Jilib ayaa waxa ay inoo sheegeen in ay hadda isku aruursanayaan  kooxda degamadaasi iyagana ay ku wajahan yihiin sida uu hadalka u dhigay.

Warkan Wixii Ku Soo Kordhaa Waxaad Kala Socon Doontaan www.Midnimo.Com.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here