DEG DEG: Dagaal Culus oo ka Socda Baardheere

Breaking-News53-300x1682War goor dhaw naga soo gaaray Magaalada Baardheere Ee Gobolka Gedo ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu ka bilowday Dagaal Xoogan oo udhaxeeya ciidanka Dawlada iyo kuwa Ururka Al Shabaab.

Dagaalka ayaa ka dambeeyey kadib markii ciidanka Dawlada oo gacan meliteri ka helaya Kuwa AMISOM ay weerar ku qaadeen Degmada Baardheere.

Dagaalka Xoogiisa waxa uu ka socdaa iminka Tuulada Tarako oo 50km khiyaastii Galbeedka kaga beegan Magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Wararka waxay sheegayaan in Ciidankaan iskaabaya oo ka duulaan tagey saaka Degmada Ceel waaq ay isku dayayaan sidii Al Shabaab looga saari lahaa Baardheere.

Lama oga weli khasaaraha ka dhashay dagaalka maadama weli rasaas xoogan la is weydaarsanayo.

Wixii kasoo kordho dib kala socda dagaalkaasi insha allah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here