Deg Deg: Dagaal culus oo hada ka socda magaalada Gaalkacyo

dagaalDagaalkan oo hubka noocyadiisa kala duwan leesku adeegsanayo, ayaa waxaa uu xilligan ka soconaya dhabarka dambe ee xaafadda Garsoor.

Wariye-yaasha, ayaa soo sheegaya in dagaalka uu la xiriiro murun ku saabsan lahaanshiyaha dhulka, isla-markaana uu u dhaxeeyo maleeshiyaad ka soo kala jeeda Koonfurta iyo Waqooyiga Gaalkacyo.

Mid ka mid ah dadka deegaanka, ayaa sheegay in la arkaayo gawaarida dagaalka, oo si toos ah uga qayb qaadanaya dagaalka ka soo cusboonaaday Magaaladaasi.

Haweeney diiday in magaceeda Warbaahinta loo adeegsado, ayaa idaacad maxali ah u sheegtay, in rasaastu ay bilaabatay, xilli inta badan dadka reer Gaalkacyo ay hurdeen.

Maamulada Puntland iyo Galmudug, ayaan wax war ihi ka soo kala saarin dagaalka saakay ka qarxay Xarunta Gobolka Mudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here