Deg Deg: Dagaal aad u xoogan oo goordhow ka qarxay Gaalkacyo

cabdi-yareDagaal aad u xoogan una dhaxeeya ciidamada maamulada Galmudug iyo Puntland, ayaa goordhow dib uga qarxay magaalada Gaalkacyo ee xaruunta Gobolka Mudug.

Dagaalka xoogiisa ayaa ka socda Galbeedka Magaalada, waxaana labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka cul culus.

Ciidamo uu hogaaminayo taliyaha guud ee ciidamada Puntland Jen, Saciid Maxamed ayaa xalay soo gaaray qeybta waqooyi ee magaalada Gaalkacyo, kuwaasoo xaalada sii huriyay.

Wixii warar ah ee kusoo kordha waan idiin soo gudbin doonaa..

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here