Ciyaaraha Gobalada Somaliland oo Hargaysa ka furmay (Sawirro)

Waxaa goordhow magaalada Hargaysa ee xarunta maamulka Somaliland ka furmay tartanka ciyaaraha gobalada ee Somaliland.

Xaflad lagu qabtay garoonka kubadda cagta Hargayska waxaa furay madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo qaar ka mid ah wasiirada Maamulka Somaliland.

Garoonka waxaa soo buux dhaafiyay dad aad u badan, iyo wariyaal kuwaasoo si toos ah u tabinaya ciyaaraha gobalada Somaliland oo sannadkan ka duwan sannadihii horre.

Tartanka ciyaaraha gobalada waxaa sannadkan 13 koox, waxaa kaloo ka qaybgalaya qurba joog ka timid waddamada caalamka.

Waxaa tartanka galabta oo Sabti ah lagu furmay gobalada Maroodi-jeex iyo Saraar waxaana labo gool iyo gool guusha ku raacday Maroodi-jeex.

Waxaa kooxaha ka qaybgalaya sannadkan tartanka loo qaybiyay  min seddax Group oo kala ah:

Group A: Waxaa ku jirra Shan gobol oo kal ah: Maroodijeex, Buuhoodle Saraar, Sanaag, iyo Salal.

Group B:  Waxaa ku jirra Afar gobol oo kal ah: Hawd, Badhan, Saaxil iyo daad Madheedh.

Group C : Waxaa ku jirra  seddax gobal oo kala ah: Sool, Awdal, Gebiley iyo Togdheer.

Sidoo kale, waxaa iyana lagu dhawaaqay ciyaaha kubadda kolayga oo qayb ah kuwa gobalada.

Waxaa ka kooxaha ka qaybgalaya loo qaybiyay labo qaybood oo kala ah:

Group A waxaa ku jirra seddax koox oo kal ah, Maroodijeex, Hawd iyo Sanaag. Halka

Gropup B waxaa ku jirra afar gobal ooo kala ah : Awdal, Gebiley, Saaxil iyo Togdheer.

Tartanka oo berri furmaya kala soco Shabakadda Midnimo.com

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com