Deg Deg: Ciidamo la wareegay Saldhiga Kaaraan

Breaking-News5War goordhow naga soo gaaray Degmada Kaaraan, ayaa sheegaya in Ciidamo isugu jira Nabad Sugid iyo Boolis ay goordhowla wareegeen Saldhiga Degmada.

Ciidamadan oo sida la sheegay uu amar soo siiyay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, ayaa si nabad galyo ah kula wareegay Saldhiga.

La wareegida ciidamadan xarunta maamulka iyo saldhigga inay salka ku hayso wareegto ka soo baxday guddoomiyaha gobolka Banaadir taasoo amraysay in guddoomiyaha degmada Kaaraan uu baneeyo xafiiska isla markaana ku wareejiyo guddoomiye cusub oo la soo magacaabay.

Guddoomiyihii degmada Kaaraan Cali Calasow Xasan ayaa la sheegay inuu ka diiday in uu wareejiyo xilka guddoomiynimada degmada Kaaraan.

Qaar kamid ah guddoomiyaasha degmooyinka gobolka Banaadir ayaa laga qaaday xilka iyadoo loo magacaabay guddoomiyaal cusub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here