Deg Deg: Ciidamada Kenya oo dilay Gudoomiyihii Ceel-cadde

Breaking-News53-300x168War hadda inasoo gaaray wuxuu sheegayaa in militariga kenya ay dileen barasaabkii ceel cadde cabdirashiid cabdi ayaga oo ku eedeeyey Khaa’inimo.

Colonel adan dufle oo ah taliyaha ciidamada somalia ee gobolka gedo  ayaa sheegay in ciidamada kenya ay ku xereen Cabdiraxmaan xaafadda lokoleey kuna dileen

Dilka Gudoomiyaha Ceel-cade, ayaa kusoo aadaya xili uu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud lagu wado inuu magaalada Eldoret ee dalka Kenya uga qeyb galo aas loo sameeynayo ciidamadii Kenya looga laayay weerarkii Ceel-cade, kuwaasoo kor u dhaafaya 100 askari.

Warkaan oo faah faahsan goordhow ayaan idiin soo gudbineynaa..

1 COMMENT

  1. ا hadey cadahay in kenyo dishay gudoomiyahii ceel cade waxey cadynaysaa in soomaaliyo aysan xor aheyn,tankale kenyo mar hore ayey na tijaabisay markey dadka shacabka ah ku garaacday diyaaradaha ee aan ka aamusnay marka maantana waa gudoomiyaha berina????????????????????????????????????

    hala sugo ineey madaxda sarsare midba maalin ama disho ama xabsi dhigto.taas waa tusaale aan siiyay madaxda dalka hadiiba ow jiro damiir damqado.

    waxaan halkaan baaq uga dirayaa shacab weynaha soomaaliyeed meelkastooy caalamka ka joogaan waa inaan ka dhiidhino waxa ka dhacaayo gobolka gedo ee lagu xasuuqaayo dadka walaalaheena ee aan waxa galabsan aysana jirin dowlad difaaceyso.
    waa in aan kacno inta dibadaha joogto waa ineey safaaradaha caalamka kenyo ku leedahay ku hor mudaharaadaan muujiyaana in kenyo wadankeena ay u xoog sheeganeyso iyadoo horay u sheegtay ineey wadankeena u
    timid ineey shacabkeena ka xoreynayso shabaab ayey maanta baabi,inaysaa shacabkii ay horay u sheegtay iney dartiis u timid.
    shacabka wadanka joogana waa ineey har iyo dharaar u taagnaadaan mudaharaad iyo ineey ku hor mudaharaadaan safaaradaha wadanka joogo waana ineysan ka hortagin safaarada ay kenyo ku leedahay muqdisho illaa kenyo joojiso weerarada ay ku hayso shacabkeena waa in goboladoo dhan laga mudaharaado waayo hadeynaan maanta
    hal meel kasoo wada jeesan waxaa noo dambeynayso in gobolba maalin lagu quraacdo
    kenyo iyo itoobiyo waxeey wadankeena u yimaadeen ineey adoonsadaan uma imaan ineey na xoreeyaan mana qabno cadaw ka weyn labadaas wadan waa in shacabkeenu fahmaa arrinkaas.

    dowlada maanta jirto waa in xaqiiqda shacabkeenu u sheego lana ogaado mowqifka ay ka qaadaneyso weerarada iyo xasuuqa ayka wadaan labada wadan ee jaarkeenaa ah wadankeena,waa in dowladu cadeyso qaraarkeeda labana mid doorato oo ah ineey shacabkaan matasho kana difaacdo cadawga ama cadeyso ineysan waxqaban karin,markaasna shacabweynaha soomaaliyeed tashado owna sameeyo waxkastoo ow awoodo.

    maanta wadankeenu waxoow marayaa marxalad culus waxaana illaahey ka baryayaa in shacabkeenu fahmo in xalku isagoo sahlan gacantooda ku jiro,oo ah ineey meelkasoo wada jeestaan midoobaan qabyaalad meel iska dhigaan, hadii taas la helana kenyo iyo itoobiyo midna nama haweysteen
    wadankeenana lug sooma dhigeen,marka maanta waa in aan sameyno is dib isu fiirin si aan u ilaalino karaamada shacabkeena iyowadankeena.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here