Deg Deg: Ciidamada Dowladda ee Kismaayo oo qarax xoogan lala eegtay

Wararka ka imaanaya Magaalada Kismaayo ee xarunta Gobalka Jubadda hoose ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay qarax xoogan oo lala eegtay ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Qaraxa ayaa wuxuu ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso waxaana lagu weeraray ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya kuwaasi oo maraye meel aan ka fogeyn saldhiga Degmadaasi Kismayo.

Askar ka tirsan ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa dhaawacyo iyo dhimasho kala duwan uu kasoo gaaray iyadoo lasoo warinaya in ciidanka rasaas xoogana ay labada dhinac urideen.

Mid kamid ah dadka goobjoogayaasha Magaalada Kismaayo ayaa qadka tilifoonka ugu sheegay warbaahinta Midnimo.Com in hada dhawaqa rasaasta ay ka dhaceyso agagaarka saldhiga halkaasi oo ay ku sugan yihiin ciidamada Dowladda.

Qaraxa ayaa wuxuu ahaa mid lagu aasay gagaarka Saldhiga oo ciidamada horay loogu sii diyaariyay.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here