DEG DEG: Buuq ka socda Xarunta Baarlamaanka Somaliya

Breaking-News53-300x168

Kulankii Xildhibaanada Baarlamanaka Soomaaliya ayaa markii uu furmay waxa ka dhex bilowday Buuq iyo Qeylo ay sameynayaan qaar kamid ah Xildhibaanada ka qeyb galayey Kulankaasi.

Iyadoo la akhrinayey Aayadaha Qur’aanka Kariimka ayaa waxa buuq bilaabay qaar kamid Xildhibaanada taageersanaa R/wasaaraha Somaliya Cabdiweli Shiikh axmed.

Gudoomiyaha Baarlamanaka Maxamed Cusmaan Jawaari ayaa ka codsaday Xildhibaanada inay is dejiyaan oo Qur’aanka ilaahey dhageystaan inta ay buuqi lahaayeen.

Xaalada ayaa weli ah mid buuq iyo qeylo laga dhex maqlayo gudaha Xarunta Baarlamaanka Soomaalia.

Wixii faah faahino kasoo kordho Xarunta Baarlamaanka Soomaaliya dib kala socda insha allah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here