Baarlamaanka Puntland oo codka kalsoonida kala laabtay golaha wasiirada

Wararka naga soo gaaraya magaalada Garowe ayaa sheegaya in xildhibaanada baarlamaanka Puntland ay codka kalsooda kala laabteen golaha wasiirada ee maamulkaasi.

Baarlamaanka Puntland ayaa riday Golihii Wasiirada, kadib markii eedeymo badan loo jeediyay golaha wasiirada, Waxaa u codeeyay in xukuumada la rido 47xildhibaan.

Waxay Xildhibaanadu Ku eedeeyeen xukuumada ay xilka kaga qaadeen xil gudasho la’aan, iyo inay heshiisyo qarsoodi ah la galeen Imaaraatka Carabta.

Waa markii labaad ee baarlamaanka Puntland sidan oo kale u rido xukuumad.

 La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah
 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here