Deg Deg: Baarlamaanka oo Miisaaniyada Sanadka ee Xukuumadda Meel Mariyay

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta meelmariyay miisaaniyada Xukuumadda sanadka 2013 ay ku shaqeynayso kadib kulan Muqdisho ay ku yeesheen.

Kadib kulan ay maanta Magaalada Muqdisho ku yeesheen xubnaha Baarlamanka Soomaaliya oo uu ku sugnaa Wasiirka maaliyada Xukuumadda Soomaaliya ayaa Xildhibaanada ay ku meel mariyeen miisaaniyada sanadka ee Xukuumadda.

Fadhiga baarlamaanka ayaa waxaa soo xaadiray Xildhibaano gaaraya 177-waxaana ansixiyay Miisaaniyada Xukuumadda 176-iyadoo hal xildhibaan kaliya uu ka aamusay.

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdala Cawad ayaa ku dhawaaqay natiijada ansixinta miisaaniyada sanadka ee Xukuumadda Soomaaliya.

Shalay ayeey aheyd markii Ra’iisul Wasaaraha dalka Soomaaliya oo ka hor hadlaye Baarlamaanka Soomaaliya hortooda uu sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan wax looga badalayo miisaaniyada sanadka ee Xukuumada Baarlaamaankana la horkeenayo.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here