Deg Deg: Al-shabaab oo weerar ku qaaday Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur

War goordhow naga soo gaaray Bakool ayaa sheegaya in dagaalyahano katirsan al-shabaab ay weerar xoogan ku qaadeen saldhig uu ku sugnaa Afhayeenkii hore ee al-shabaab Mukhtaar Rooboow Cali Abuu Mansuur.

Weerarka ay saakay al-shabaab ku qaaday Abuu Mansuur, ayaa ujeedkiisa lagu sheegay inuu yahay in nolosha lagu soo qabto ama la dilo.

Warar aan ka heleyno magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in ciidamada Maamulka Koofur Galbeed ay doonayaan inay gurmad u fidiyaan Abuu Mansuur.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koofur Galbeed ayaa sheegaya in saaka aroortii Al-Shabaab weerar ku qaaday saldhiga Sheekh Mukhtaar Roobwo Abuu mansuur ku leeyahay deegaanka Abal ee Gobolka Bakool.

Illaa iyo hada lama oga khasaaraha soo kala gaaray dhinacyada dagaalamay, waxaana la sheegay in ciidamada uu wato Abuu Mansuur ay iska caabiyeen weerarka lagu soo qaaday.

Abuu Mansuur ayaa la sheegay inuu isaga baxay Al-Shabaab sanadkii 2013, markii ay isku dhaceen Hoggaanka Guud ee Xarakada Al-Shabaab, waxaana wixii markaas ka dambeeyay uu saldhigtay deegaanada uu ka soo jeedo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here