Deg Deg Ah: “Xildhibaano La Soo Bandhigay Magacyadooda oo Laga Reebay Baarlamanak Cusub”

Xog hoose ey heshay warbaahinta Midnimo  ayaa sheegaya in la soo saaray liiska xubnaha baarlamaanka ugu qeb gali doona dowlada cususb ee soomaaliya.

Gudiga farsamada soo xulista xildhibaanada oo sheegay in ey weli ku wareersanyihin qaabka ey u kala saari lahaayeen xubnahan iyadoo la soo gudbiyay tiro xildhibaano ah oo gaaraya 203.

Odayasha ayaa waxaa horay bayaan qaramada midow soo hor dhigtay ayaa waxaa ku qornaay in qof gacan ku dhiigle uusan xubin ka noqon karin baarlamaanka iyo qof jago ka soo qabtay dowladihii dalka soo maray in uusan noqon karin xubin baarlamaan.

Sidaas darteed ayaa odayaasha waxey 203 xildhibaan waxey ka soo dhax saareen rag ey ka mid yihiin C/raxaan Ibbi waxaana lagu haystaa eedayn musuq maasuqa oo uu dhowaan usoo jeediyey bangiga adduunka iyo arrintii iibinta qayb kamid ah badda Soomaaliya ee sanadkii 2009-kii, xilligii uu ahaa wasiirka kalluumaysiga iyo khayraadka badda.

Waxaa kaloo danbi lagu soo oogay Maxamed Ibraahim Xaabsade oo lagu soo oogay in uu ka tirsanaay xisbigii RRA ee Bay iyo Bakool ka talin jiray iyo Maxamed Qanyare Afrax oo isagana kamid ahaa qab qablayaahsii dagaalka Muqdisho.

Sidoo kale waxaa laga saaray xubnaha xildhibaanada kooxdii maxkamadaha islaamiga ee ka qeb qaatay dagalo diimeedkii ka dhacay dalka waxaa ka mid ahaay raga laga saaray Sh. C/qaadir Cali
Cumar iyo Sh. Maxamed Macalin oo intaba ka mid ahaay ururkii maxkamadaha islaamiga ee ka arimin jiray qeybo ka mid ah dalka soomaaliya.

Waxaa kaloo jira rag iyagana sidaas oo kale dagaalada dalka ka dhacay ka soo qeyb qaatay balse lama oga in lagu soo dari doona liiska laga saaray xubnaha baarlamaanka soomaaliya.

Sikastaba xubnaha musharixiinta soomaliya oo iyagana nidaamka xildhibaanada la mariyay mid la mid ah la mari doona ayaan la ogeen dadka laga soo dhax saari doona.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here