Deg Deg ah :Sheekh Bashiir Axmed oo ka badbaaday isku day dil

Guddoomiyaha hey’adda culimada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa maanta duhurkii ka badbaaday isku dil, kaddib markii baabuurkiisa lagu xiray walxaha qarxa.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu wax yeelo gaarsiiyay gaariga Sheekha balse uu isaga ka badbaaday.

Xilliga qaraxa dhacay ayaa la sheegay in Sheekha uu ka soo baxaayay gurigiisa oo ku yaalla degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho.

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ay Sheekha saaxibo yihiin iskuna dhow yihiin ayaa sheegay in Sheekha Bashiir uu bad qabo wax dhib ahna uusan ka soo gaarin qaraxa lagu xiray baabuurkiisa.

Wuxuu sheegay in mar dhow uu qaban doono Sheekh Bashiir Shir jaraa’id oo uu kaga hadlaayo qarraxa uu ka badbaaday.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa lagu xiray baabuurka Sheekha.

Ma jirto ilaa iyo hadda cid sheegatay masuuliyadda qaraxa, hase ahaatee Sh. Nuur Baaruud ayaa sheegay inay tuhmayaan kooxda Al-Shabaab oo xiriir la leh Al-Qaacida.

Warkan wixii ku soo kordha kala soco Shabakadda Midinimo.com

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here