Wararka inaga soo gaaraya magaalada Baladweyene ee gobola Hiiraan ayaa shegaya in qarax uu ka dhacay halkaas.
Sida ey sheegayaan dadka deegaanka ayaa noo xaqiijiyay qaraxa in uu ahaa bambo gacmeed ey tuureen rag aan la garaney waxa ey yihiin.
Bam gacmeedka ayaa waxaa lagu tuuray guri sida dadka qaar ey sheegayaan guriga waxaa daganaay taliyaha ciidamada gobolka Hiiraan,balse mar aan xiriir la sameynay gudoomiye ku xigeenka dhanka amniga gobolka Hiiraan Axmed Cismaan Axmed Inji ayaa warbaahinta u sheegay in Bamka lagu tuuray guri ey daganaayeen dad shacab ah sida uu sheegay waa been abuur in bamka lagu tuuray guriga taliyaha ciidanka gobolka.
Wixii warar oo kordho kala soco midnimo
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com