Deg Deg Ah: Munaasabad Xil Wareejin ah oo ka Soconeysa Muqdisho

Wararka hada ka soo dhacaya Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ay soconeyso munaasabad xil wareejin ah , taasoo ay xilalka kula kala wareeagayaan Golaha Wasiirada cusub iyo kuwii hore.

Wariyaheena Muqdisho ayaa soo sheegaya inay hada soconeyso munaasaba , waxaana wasaaradaha xilalka la kala wareegayo ka mid ah Wasaarada Warfaafinta , wasaarada gaashaandhiga , wasaarada Maaliyada , Wasaarada Qorsheynta qaranka.

Wasiirka hose ee Warfaafinta Xukuumada Soomaaliya Mudane C/qaadir Jaahweyn ayaa xilka wasaaradaasi kuw areejin doona Wasiirka cusub.

Wasiirka Gaashaandhiga Xukuumadii hore Xuseen Carab Ciise ayaa xilka wasaarada Gaashaandhiga ku wareejinaya Wasirka cusub ee wasaaradaasi C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi.

Munaasabada waxa ay si toos ah uga soconeysaa Xarunta Iskuul Polizio ee Degmada Xamar Jajab , waxaana si weyn loo adkeeyay amaanka Degmada iyo wadooyinkas oo gala.

Khudabadaha iyo Sawirada kala soco wararka dambe Insha Allaah.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here