Deg Deg Ah: “Dagaal u Dhexeeya Ciidamada Huwanta iyo Alshabaab oo ka Qarxay Gobolka Gedo”

Dagaal xoogan oo u dhexeeya ciidamada Itoobiya oo garab ka helaya kuwa Dowlada Soomaaliya iyo Xoogaga Alshabaab ayaa ka ka qarxay deegaanka Maykoorabey oo hoos taga Gobolka Gedo.

Goob joogayaal ku sugan halkaasi ayaa xaqiijiyay in dagaal xoogan uu ka socdo inta u dhexeysa Luuq iyo Garbahareey, waxaana dagaalka la isku adeegsanayaa hubka culus.

Alshabaab ayaa weerar ku soo qaaday deegaankaasi, xili ay isku aruursanayeen ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowlada Soomaaliya, waxaana halkaasi ka soconaya dagaal xoogan.

Ilaa hada lama khasaaraha ka dhashay dagaalkau dhexeeya huwanta iyo alshabaab, waxaana warar hor dhac ay sheegayaan inay jiraan khasaaro soo kala gaaray labada dhinac walow aan si dhab ah loo ogeyn tirada.

Wixii warar ah ee ku soo kordha kala soco wararka dambe Insha Allaah.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here