Deg Deg Madaxweynaha oo magacaabay Agasima Hayada Nabad Sugida

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa goor dhow ku dhawaaqay Agaasime si KMG ah uu ugu magacaabay hay’adda sirdoonka iyo nabad sugida Soomaaliya.

Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysi gaar ah siiyay Radio Muqdisho ayaa ka hadlay arrinta iscasilaada agaasimihii hay’adda nabad sugida Qaranka Axmed Macalin Fiqi iyo ku xigeenadiisa waxa uuna sheegay in uu ka aqbalay warqad uu u soo gudbiyay agaasimhii nabad sugida Qaranka balse haatan si KMG ah loogu magacaabay nin uu magaciisa ku soo gaabiyay C/kariim.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa intaasi raaciyay in wax hakad uu ku imaan doonin howshii hay’adda nabad sugida Qaranka ayna sidii hore loo sii wadayo.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com 


LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here