Deeynuunaay oo soo gashay Gacanta Doowlada

10273731_700037790035189_6633738113510274258_nCiidamada Doowlada Federaalka oo gacan ka helaya kuwa AMISOM, ayaa markale Gacanta ku dhigay Degmada Deeynuunaay ee Gobolka Bay.

Ciidamada Huwanta, ayaa si nabad ah kula wareegay Deeynuunaay, kadib markii ay shabaab isaga baxen halkaas.

Deeynuunaay oo 18km u jirta Baydhabo, ayaa maalmo kahor waxaa la wareegay xoogaga Al-shabaab, kadib markii ay ciidamada Milatariga DF isaga baxeen halkaas.

Ciidamada Huwanta ayaa maalmihii u danbeeyay si is daba joog ah ula wareegayay deegaano ay Gacanta ku hayeen Al-shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here